Israel oo khasaaro xoogan kasoo gaaray duqeyntii Iran ee warshadda batroolka, ayaa codsatay taageerada Trump

17 June, 2025

Iran ayaa xalay markale duqeysay xarumaha shidaalka Israel ee magaalada Xayfa kadib markii Israel duqeyn la beegsatay xarunta telefishinka dowlada Iran ee magaalada Tehran.

Fiidnimadii xalay, ayey Israa’iil weerar ku qaadday xafiisyada warbaahinta dawladda Iiraan ee Tehran, dowlada Iran ayaa sheegtay in Israel si bareer ah u beegsaneyso xarumaha rayidka.

Iran ayaa iyadana markii labaad gantaalo la heshay warshadda batroolka sifeysa ee Israel oo ku taal magaalada xeebta saaran ee Xayfa, warshadda ayaa gebi ahaan la xiray kadib khasaaraha soo gaaray.

Israel ayaa dhanka kale taageero militari ka codsatay Mareykanka, xili dagaalkan galay maalintii 5aad.

Mareykanka oo hada dhanka sahayda iyo difaaca cirka ka taageera Israel ayaa ciidamo kusii daabulaya Bariga dhexe.

Raysalwasaaraha Israel Netanyahu oo wareysiyo kala duwan siiyey warbaahinta Mareykanka ayaa codsaday in Mareykanka dagaalka si toos ah usoo galo.