Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxaha ka shaqeeya Baraha Bulshada gaar ahaan Youtube oo todobaadyadii lasoo dhaafay waday olole ka dhan ah Soomaalida Mareykanka oo ay ku eedeeyeen musuq maasuq, xogta la helayo ayaa sheegaya in dhamaan kooxahan kamid yihiin cunsuriyiinta Mareykanka ee xiriirka dhaw laleh Israel.

Nick Shirley oo ah Youtuber-ka booqday xarumaha Soomalida ku leeyihiin Minnesota ayaa kamid ah kooxda ay maalgeliso Israel isla markaana kamid ahaa kooxihii taageerayey xasuuqii Israel ka waday dhulka Falastiin ee Gaza.
Horaantii sanadkii lasoo dhaafay ayuu sidan u booqday xaduuda Gaza, isagoo wareysiyo ka dhan ah Falastiiniyiinta kasoo qaaday Saraakiisha ciidamada Israel.
Maxaa xiligan kusoo beegay weerarka Soomalida Minnesota?

Fadeexada la xariirta musuq maasuqa lacagaha dowlada ku bixiso xarumaha daryeelka caruurta ee jaaliyaddaha Soomaalida ee Minnesota, waa mid horey loo baaray sanadkii 2020, isla markaana xubnihii ka qeyb qaatay horey loo xiray.
Waxaa sida weyn la isu weydiinayaa waxa hada dib usoo celiyey oo xiligan kusoo beegay ololahan ka dhanka ah Soomaalida.
Fadeexadii Jeffrey Epstein

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay si gaar ah diirada u saaray Soomaalida Minnesota, xili uu wajahayey laftiisa fadeexada kiiska saaxiibkiisii hore maalqabeenkii Yuhuudka ahaa ee Jeffrey Epstein oo loo heystay Hawlgal ka ganacsiga galmada tujaarta Mareykanka oo loo adeegsaday gabdhaha aan qaan-gaarin.
Ololahan ka dhanka ah Soomaalida ayaa la doonayey in xukuumada Trump ay ku kiciso ama kusii jeediso taageerayaashooda oo si weyn u dhaliilay Trump inuu horjoogsaday shaacinta xogta gabood-faladii uu geystay Jeffrey Epstein, Trump oo si weyn ugu lug lahaa, kana mid ahaa xubnaha la tuhunsan yahay inay ka qeyb-qaateen ka ganacsiga gabdhaha aan qaan-gaarin.
Jeffery Epstein ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa xubin la shaqeenaysay Sirdoonka Mossad ee Israel, isla markaana kaydin jiray xogta laga hayo maalqabeenada, siyaasiyiinta iyo dadka caanka ah ee tagi jiray xafladihii uu qaban jiray, xogtaasi oo la rumeysan yahay in Israel u adeegsan jirtay inay cadaadis ku saarto madaxda Mareykanka.
Xasuuqii Gaza
Sidoo kale taageerayaasha xisbi xaakimka Mareykanka ee Jamhuuriga oo ah kuwii horey sida weyn u taageeri jiray Israa’iil ayaa sanadihii lasoo dhaafay in badan oo kamid ah gaar ahaan dhalinyaradooda iyo kooxaha middigta fog si weyn uga horyimaadeen taageerada militari iyo dhaqaale ee uu Mareykanka siiyo Israa’iil.
Arrintan oo walaac weyn ku abuurtay xukuumada Benjamin Netanyahu ayaa bilaabay olola dacaayad oo xoogleh oo ku baxeysa Milaayiin dollar oo la siinayo kooxaha ka shaqeeya Warbaahinta iyo Baraha Bulshada, si markale loo badbaadiyo sumacada Israa’iil ku dhex-lahayd Mareykanka.
Dilkii Charlie Kirk

In badan oo kamid ah taageerayaasha Trump ayaa sidoo kale rumeysan in Israel ay ku lug lahayd dilkii loo geystay Charlie Kirk oo ahaa nin u dhaq dhaqaaqa dhalinyarada Xisbiga Jamhuuriga isla markaana si weyn uga qeyb qaatay ololihii doorashadii uu ku guuleystay Trump.
Charlie Kirk ayaa kahor inta aan la dilin bishii September 10keedii, sheegay inuu wax ka bedali doono taageeradii uu u hayey Israel, kadib xasuuqii Gaza, wuxuuna sheegay inuu cadaadis xoogleh uga imaanayo dhanka taageerayaasha Israel, maalmo kahor inta aan la khaarajin.
Mr.Kirk ayaa sidoo kale kamid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday qorshaha Israel ee weerarkii Iran, isagoo ku booriyey Madaxweynaha Mareykanka Trump inuusan Israel kala qeyb qaadan duulaan lagu qaado wadanka Iran.
America First
Kooxaha Midigta Fog ee la baxay America First oo horey u taageersanaa Trump ayaa kasoo horjeeda taageera dhaqaale ee la siiyo Israel, iyagoo ku dooda inaysan dooneyn in Mareykanka uu Israel ka caawiyo dagaalada ay ka wadaan Barriga Dhexe.
Sidoo kale kooxahan ayaa ku dooda in dhaqaalaha badan ee Mareykanka ku bixiyo Israel loo wareejiyo horumarinta dalkooda. Xili uu dalkooda ka jiro sicir-barar xoogan, Xukuumada Trump aysan fulin balanqaadkeedii daryeelka iyo dakhliga shacabka.
Arrimahan oo is-biirsaday ayaa sababay xiisad weyn oo ka dhex qaraxday Taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriga oo labo garab u kala jabay, dhinac taageersan Israel iyo dhinac kasoo horjeeda.
Trump iyo Israel oo ka walaacsan xiisadaha aan kor kusoo sheegnay, ayaa si weyn u buun buuniyey wararka ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka, sida muuqaaladii uu soo bandhigay Nick Shirley.
Ololaha Israel ee Baraha Bulshada

Nick Shirley ayaa kamid ahaa xubnaha Israel ay ku casuntay dalkooda si ay usoo tabiyaan muuqaalo lagu taageerayo Israel, waxaana la sheegay in dowlada Israel u qoondeesay inay ku bixiso in ka badan 7oo milyan dollar, qoraalada iyo barobogaandada lagu taageerayo.
Waxaana muuqaaladan sii faafiyey Maalqabeenka Elon Musk oo kamid ah taageerayaasha Midigta Fog iyo Madaxweyne Kuxigeenka, ololahan ka dhanka ah Soomaalida halkaan kuma ekaan.

Kooxahan ka shaqeenaya ololahan ayaa sidoo kale bilaabay in ay muuqaalo kasoo duubaan xarumaha ganacsiga Soomalida ee gobalada Washington iyo Ohio, si loo sii balaariyo wararkan ka dhanka ah Jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka.
Xubno ka tirsan taageerayaasha Israel ayaa ololahan u bedalay in dhaqaalihii ay sheegeen inay Soomaalida qaateen in lagu taageero kooxaha Islaamiga ah ee Xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya, waa siday hadalka u dhigeenee.
Xukuumada Trump ayaa todobaadkan sheegtay inay joojisay dhamaan Mashaariicdii lagu kabi- jiray daryeelka caruurta ee dalkaasi, isla markaana ay baaritaan ku sameyn doonaan jaaliyadda Soomaalida kuwooda sharciga heysta, isla markaana laga xayuubin doono sharciga dhalashada si dalkooda dib loogu tarxiilo, arrintan oo si weyn uga hor-imaaneysa dastuurka dalkaasi.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya xili Israel ay sidoo kale ololaheeda u wareejisay gudaha dalka Soomaaliya isla markaana sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland, tilaabadan oo ay si weyn uga soo wada horjeesteen inta badan Beesha Caalamka.



