Israel oo qorsheenaysa weerar ka dhan ah Iran iyo Mareykanka ciidamadiisa heegan geliyey

12 June, 2025

Iran waxa ay wadaa dhoolatus milatari oo dheeraad ah waxayna dhisaysaa xarun sadexaad oo lagu kobciyo uranium-ta si ay uga jawaabto cadaadiskii ugu dambeeyay.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa ku gacan sayray hay’adda caalamiga ah ee ilaalinta nukliyeerka iyo reer galbeedka oo ka digay kobcinta yuraniyumka ee Tehran, xili la hadal hayo in Israel ay qorsheenayso weerar ka dhan ah dalkaasi.

Dowlada Cummaan ay xaqiijisay Khamiistii in ay martigelin doonto wareeggii lixaad ee wadahadalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Axadda soo socota, warbixinnada ay soo saareen wargeysyada sida New York Times, oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Mareykanka iyo Yurub, ayaa ka digay in Israa’iil ay “diyaar u tahay” inay weerarto Iran, xitaa iyada oo aan taageero militari ka helin Washington.

Israa’iil ayaa muddo dheer ku hanjabaysay inay weerari doonto goobaha nukliyeerka ee Iran.

Mareykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay fuliyay qeyb kamid ah daadgureynta shaqaalaha safaaradda ee Ciraaq iyo kuwa ku tiirsanaa shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, taasoo calaamad u ah xiisadda sii kordheysa ee gobolka.

Hossein Salami, oo ah taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), ayaa u sheegay telefishinka qaranka in haddii Israa’iil ay weerarto, ay la kulmi doonto jawaab “taariikhi ah”.

Arbacadii shalay, wasiirka gaashaandhigga Iran, Aziz Nasirzadeh ayaa ku celiyay in dhammaan saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalalka gobolka ay yihiin bartilmaameedyo sharci ah haddii uu dagaal ka dhex qarxo iyaga, Israel iyo Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Iran ay ku guuleysatay tijaabinta gantaal cusub oo ballistic ah oo aan la magacaabin todobaadkii hore oo leh madax 2,000kg ah, wuxuuna ballan qaaday inay ku qasbi doonaan Maraykanka inuu ka baxo gobolka.

Cambaareynta kasoo baxday hay’ada IAEA

Hay’adda caalamiga ah ee ilaalisa Nukliyeerka ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay soo saaray qaraaro ay reer galbeedku hormuud ka yihiin oo ka dhan ah Iran, balse warkii kasoo baxay maanta oo Khamiis ah ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee ku dhawaad ​​labaatan sano, sababtoo ah waxa ay ku andacoonayaan in Iran aysan u hogaansamin waajibaadkeeda nukliyeerka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa eedeynta ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayn oo la been abuuray” waxayna sheegtay in quwadaha reer galbeedka ay u isticmaalayaan hay’adda caalamiga ah qalab ay ku saaraan cadaadis siyaasadeed.