Israel oo qorsheenaysa weerar Nukliyeer oo ay ku qaado Iran?

19 February, 2026

Xog sirdoonka Mareykanka oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa sheegaya in Israel qorsheenayso inay duulaan balaaran ku qaado Iran, lagana yaabo inay weerarkaasi u adeegsato hubka Nukliyeerka.

Xogtan ayey baraha bulshada ku faafiyeen saraakiil magacooda qariyey oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo sheegay inay u diyaargaroobayaan duulaan lagu qaadayo Iran oo socon doona muddo billo ah.

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa la dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan Khaliijka iyo waliba saldhigyada Mareykanka ku leeyahay qaarada Yurub, halkaasi oo lagu arkay diyaaradaha shidaalka qaada iyo kuwa xamuulka oo kusii jeeda Barriga Dhexe.

Mareykanka ayaa u diray nawaaxiga dalka Iran ugu yaraan 13 Markab dagaal, oo ay ku jiraan 2 ah kuwa diyaaradaha xambaara.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo beegmaya xili uu weli socdo wadahadalka dadban ee u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo ay dhex-dhexaadineyso dowlada Cumaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Cabaas Araghchi ayaa shalay sheegay in “horumar wanaagsan” laga sameeyay wadahadallada, balse horey ayey u dhacday in xili wadahadalka u socday Iran iyo Mareykanka ay weerar kadis ah qaaday Israel bishii Juun ee sanadkii hore, weerarkaasi oo horseeday duqeymihii socday 12-ka maalmood.

Xogta aan weli la xaqiijin karin ee baraha bulshada lagu faafiyey ayaa sheegaysa in Israel ay duqeyn u adeegsan doonto hubka nukliyeerka (tactical nuke) oo ay la beegsan doonto saldhigyada waaweyn ee dhulka hoostiisa ku yaal ee gantaalada Iran iyo Taliska & Hogaanka sare ee wadankaasi si ay uga hortagto awooda militari ee Iran uga jawaabi karto duulaanka.

Israel ayaa saacadihii lasoo dhaafay sare u qaaday duqeymo ay la beegsaneyso saldhigyada kooxda Xisbullah ee Lubnaan, duqeymahaasi oo la rumeysan yahay in ay horudhac u yihiin duulaanka ku wajahan Iran.

Iran ayaa sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay digniin kasoo saartay in duulimaadka laga xayiray qeybo kamid ah hawada dalkaasi, tani oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay diyaargarowga.

Xiisadan ayaa keentay in maanta uu sare u kaco qiimaha Shidaalka ee caalamka iyadoo dagaal kale oo ka qarxa Barriga dhexe uu si weyn saameyn ugu yeelan doono dhaqaalaha dunnida.