Israel oo saldhig milatari ka dhisanaysa duleedka Magaalada Berbera.

12 March, 2026

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel ay qorsheynayso inay saldhig istaraatiiji ah ka…

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel ay qorsheynayso inay saldhig istaraatiiji ah ka dhisato duleedka Magaala xeebeedka Berbera ee dhulka Maamulka Somaliland, si ay ula socoto dhaqdhaqaaqa kooxaha Xutiyiinta ee dalka Yemen.

Warbixintaan ayaa si cad loogu sheegay in sanadkii hore koox khubaro amni ah oo ka socotay Israa’iil ay booqdeen xeebaha Somaliland si ay u sahamiyaan goob ku habboon xarun militari ee ay doonayso inay Yuhuuddu ka hirgeliso xeebaha Somalia.

Maqaalkaan ayaa tilmaamaya in qorshahan uu soo baxay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan colaadda u dhexeysa Israel, United States iyo Iran, taas oo saameyn ku yeelatay marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Mid ka mid ah meelaha la tixgelinayo ayaa lagu sheegay dhul sare oo qiyaastii 100 kiiloomitir galbeed ka xiga Berbera, halkaas oo ay ku dhowdahay deked ay maamusho shirkadda DP World iyo garoon diyaaradeed nooca milatariga ah.