Warbaahinta Israa`iil oo xiganaysa saraakiil amni oo katirsan nidaamka Netanyaha ayaa sheegaysa in la dilay Taliyihii…

Warbaahinta Israa`iil oo xiganaysa saraakiil amni oo katirsan nidaamka Netanyaha ayaa sheegaysa in la dilay Taliyihii Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran Alireza Tangsiri, kaas oo kamid ahaa xubnaha dhawaan la magacaabay.
Inkastoo aysan weli Iran ka hadlin sheegashadaasi, haddana khuburada ammaanka ayaa tilmaamaya in haddii ay rumawdo ay dhabarjab weyn ku noqon doonto xukuumadda Tehran oo dagaalkaan xubno sarsare ku weysey.
Dhanka kalena, Taliyaha guud ee ciidamada Uganda Jen, Muhoozi Kainerugaba, ayaa si rasmi ah u sheegay in dalkiisu garab istaagi doono Israa’iil, haddii la isku dayo in la burburiyo ama la jabiyo.
“Hadal kasta oo ku saabsan burburinta Israa’iil wuxuu keeni doonaa inaan dagaalkan ka galno safka dhinaca Israa’iil”, Ayuu yiri sarkaalkaan ugu sarreeya ciidamada Milatariga ee dalka Uganda.





