Ciidamada Israel ayaa weli sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan 21 qof duqeymo ay ku qaadeen iskuul, teendhooyin iyo guryo.

Iskuulka ayaa ahaa halka ay seexdeen dad Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ah. Waxay ku hoydaan halkaas muddo bilo ah kadib markii ay ka soo barakaceen meel kale, waxayna ciidamada Israa’iil beegsadeen dugsiga 3dii saqdhexe ee xalay.
Ugu yaraan 87 qof ayaa lagu dilay 409 kalena waa lagu dhaawacay weerarradii Israa’iil ee Sabtidii.
31 qof oo gargaar-doon ah ayaa la dilay 132 kalena waa la dhaawacay 24-kii saac ee ugu dambeeyay. Isla wakhtigaas, shan qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah ayaa gaajo u dhintay.
Duulaanka Israa’iil ee Gaza waxa lagu dilay ugu yaraan 64,368 qof waxana ku dhaawacmay 162,776 kale tan iyo October 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan guryaha la burburiyey.



