Israel oo weerar la beegsatay hogaanka Xamaas ee ku sugan dalka Qatar

Xamaas ayaa sheegtay in kooxdooda wada xaajoodka lala beegsadeen weerar ay Israa’iil ku qaadday Doha galabta. Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyay in ay bartilmaameedsadeen caasimadda Qatar.

9 September, 2025

Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay caasimadda Qatar ee Dooxa.

Milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in iyagoo kaashanaya hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ay ciidamadooda cirka ka fuliyeen isku day dil hoggaanka sare ee Xamaas ee ku sugan caasimadda Qatar.

Madaxda Sare ee Xamaas ee ku sugan Qatar ayaa la sheegay inay ka badbaadeen weerarkan.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii taliyaha ciidamada Israel Eyal Zamir uu ku hanjabay inuu dili doono hogaamiyayaasha Xamaas ee ku nool dibadda iyo saacado kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Gideon Saar uu sheegay in Israa’iil ay aqbashay soo jeedinta xabad joojinta Gaza ee uu u soo jeediyay Mareykanka.

Ilo-wareed sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in hogaamiyayaasha kooxda lagu bartilmaameedsaday Doha xilli ay ka wada hadlayeen soo jeedinta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee xabad joojinta Gaza.

Majed Al Ansari, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Qatar, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay “si adag u cambaareynayaan” weerarka, oo uu sheegay in lagu qaaday dhismayaal ay deggan yihiin xubno badan oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamaas.

“Weerarkan foosha xun waxa uu ka dhigan yahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga iyo badbaadada Qatar iyo dadka Qatar,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Iyadoo si adag loo cambaareynayo weerarkan, dowladda Qatar waxay xaqiijinaysaa inaysan u dulqaadan doonin hab-dhaqankan aan ka fiirsiga lahayn ee Israa’iil iyo faragelinta joogtada ah ee ay ku hayso amniga gobolka, iyo sidoo kale tallaabo kasta oo lagu beegsanayo ammaankeeda iyo madax-bannaanideeda, baaritaanno ayaa ku socda heerkii ugu sarreeyay, faahfaahin dheeraad ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa dhawaan.”