Israa’iil ayaa billowday duullaan cusub oo ka dhan ah xoogaga wax iska caabinta ee ku sugan Daanta Galbeed.

Israa’iil ayaa billowday duullaan cusub oo qayb ka ah waxa uu wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Katz ku tilmaamay “hawlgal ka dhan ah argagixisada” oo ka dhan ah mintidiinta Daanta Galbeed maanta oo Khamiis ah, maalin kadib markii ciidamada Israel ay go’doomiyeen isbitaal dowladeed oo ay weerareen xero qaxooti oo ku taal Jenin.
Militariga Israel ayaa jaray waddooyinka iyo biyaha magaalada Jenin ee waqooyiga Daanta Galbeed, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 10 ruux 24kii saac ee lasoo dhaafay.
Maalmo kadib markii ay xabad-joojin jilicsani ka hirgashay marinka Gaza, Israa’iil waxa ay hawl-gallo militari oo ballaaran ka bilowday Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin ee la heysto, waxaana la tuhunsan yahay in Israa’iiliyiinta doonayaan inay la wareegaan dhul horleh.
Kooxaha Israa’iil ee dhulboobka ka wada Daanta Galbeed oo gacan ka helaya militarigooda ayaa iyaguna sare u qaaday weerarada ay ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta ah degen dhulkaas.