Iska horimaad ayaa aroornimadii hore ee maanta ka dhacay duleedka dhinaca waqooyi ee deegaanka Karin ee…

Iska horimaad ayaa aroornimadii hore ee maanta ka dhacay duleedka dhinaca waqooyi ee deegaanka Karin ee degmada Bosaso, kaas oo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamo ay kala wataan saraakiil katirsan ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Puntland.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska horimaadka uu ka dhashay muran la xiriira dhul ku yaalla deegaanka Karin, kaas oo ay saraakiishaasi doonayeen inay fariisin ka samaysataan, haseyeeshee dadka deegaanku ay ka biyo diideen arrintaas, taas oo ugu dambayn sababtay israsaasaynta goobta ka dhacday.
Inkastoo dhinacyadu isu adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka muddadii israsaasayntu socotey, majiro wax khasaare nafeed ah oo laga soo weriyey deegaanka Karin ee duleedka Boosaaso oo blihii la soo dhaafay ay fariisin ku lahaayeen ciidamo katirsan Daraawiishta Dowladda Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari iyo Duqa Degmada Bosaso ayaa gaaray deegaanka Karin, halkaas oo ay kulan kula qaateen Odayaasha deegaanka, waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in xiisadda la soo afmeeri doono.




