Israsaasayn ka dhacday Garoowe oo laba ruux ku dhaawacantay.

14 February, 2026

Inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen israsaasayn fiidnimadii xalay ka…

Inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen israsaasayn fiidnimadii xalay ka dhacday afaafta hore ee goob Cirtoogte ah oo ku taalla barxadda Yar ee Magaalada Garoowe.

Israsaasayntaan ayaa bilaabatay kadib markii ciidanka ammaanka gobolka Nugaal gaar ahaan degmada Garoowe weerar ku qaadeen rag hubaysan oo qori nooca dagaalka ah kala soo fikaday Magaalada Laascaanood si ay uga iibsadaan Garoowe.

Laamaha ammaanka ayaa ku guulaystey inay gacanta ku dhigaan qorigii, labo kamid ah raggii hubaysnaa iyo gaari ay wateen oo hadda lagu hayo saldhigga dhexe ee bartamaha Magaalada Garoowe.

Warar aan si rasmi ah dowladdu xaqiijin ayaa sheegaya in qoriga lagala soo fikaday guriga uu Magaalada Laascaanood ka deggan yahay Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimada dhaqanka gobolada Sool iyo Cayn.