Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya israsaasayn dhexmartey ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland iyo kuwa lPSF…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya israsaasayn dhexmartey ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland iyo kuwa lPSF ee kamid noqdey ciidamada Dowladda Federaalka ee Muqdisho laga xukumo, Is rasaaseynta ayaa dhacdey gelinkii hore ee maanta waxaana ay ka dhacdey deegaanka Laag ee duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, iska horimaadka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ku sugnaa deegaanka ay diideen in ay halkaasi ka gudbaan 7 gaari oo nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada PSF, oo ka soo kicitimay Magaalada Boosaaso, iyaga oo sheegay in la fulinaayo go’aan horey uga soo baxay ciidamada aan hoos imaan maamulka Puntland.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isweydaarsadeen rasaas muddo kooban socotay, waxaana wararku tilmaamayaan in labada ciidan ay weli isku horfadhiyaan deegaanka Laag, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas goos-goos ah.
Wararku waxay sheegayaan in Puntland ay ciidamo badan geysey tuulada Kalabayr oo 60km u jirta Boosaaso, sidoo kale Kontrolka Bosaaso ayaa la geeyey ciidamo badan.
Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ay ka soo saartay Dowladda Puntland ama talisyada labada ciidan oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay iska horimaadka iyo sida loo xallinayo xiisadda.




