Itobiya oo Somalia balanqaad uga samaysay golaha ammaanka Qaramada Midoobey.

Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday inay sii wadi doonto taageerada dhanka ammaanka iyo la dagaalanka…

27 September, 2025

Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday inay sii wadi doonto taageerada dhanka ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada Somalia, xilli hawlgalka midowga Africa ee Somalia uu wajahayo caqabado dhaqaale.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Hadera Abera, oo ka qaybgalay shirka Heerka Sare ee Ballanqaadyada Maalgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaasoo ka qabsoomay hareeraha Shirweynihii 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xasiloonida muddada dheer ee Soomaaliya ay ku xiran tahay xoojinta ciidamadeeda amniga.

“Waxaan ka gaarnay horumar la taaban karo daciifinta awoodda Al-Shabaab, Sidaas darteed, waxaan salaan sharaf iyo maamuus u direynaa ciidamadeena, gaar ahaan kuwii naftooda ku waayey iyagoo gudanaya waajibaadkooda”, Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa ammaanay tallaabada ay xukuumadda Muqdisho ka samaysay xoojinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliya, balse wuxuu ka digay in saaxiibada caalamku ay waajib ku tahay inay si degdeg ah u kordhiyaan taageeradooda