Ciidamada Badda Itoobiya ayaa soo gabagabeeyay kulan heer gobol ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta amniga…

Ciidamada Badda Itoobiya ayaa soo gabagabeeyay kulan heer gobol ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta amniga badda, kaas oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socday Somaliland, Puntland, Jabuuti, Yemen iyo Cumaan.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga badda, badbaadinta dadka ku sugan badda iyo is-weydaarsiga xogaha la xiriira xaaladaha amni ee ka jira Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badweynta Hindiya.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa socday muddo afar maalmood ah, laga bilaabo 26-kii ilaa 29-ka Oktoobar 2026, waxaana si rasmi ah loogu magacaabay kulan goboleed ku saabsan hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta dadka badda ku dhibaatooday.





