Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay 82-qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish, kuwaasoo la sheegay inay qorsheenayeen inay falal Argagixiso ka geystaan gudaha dalka Itoobiya.

War qoraal ah oo Talaadadii lagu sii daayay warbaahinta dowladda, NISS ayaa lagu sheegay in xarigga uu daba socday baaritaanno xiriir ah oo lagu sameeyay howlgallada garabka Daacish ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, ee xaruntiisu tahay Puntland.
Wakaaladdu waxay xustay inay ururisay caddaymo la taaban karo oo muujinaya joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada kooxda ee sii kordhaya ee Itoobiya iyo dalalka kale ee gobolka.
Sida war-murtiyeedka lagu sheegay, Kooxda Daacish faraceeda Somalia waxay gaartay heer khatar weyn ku ah Ammaanka Qaranka Ethiopia.
Howlgalka oo ay iska kaashadeen Ciidamada Booliska Federaalka iyo kuwa Gobolka, ayaa lagu soo qabtay Eedeysanayaashan oo la sheegay in lagu soo tababaray Puntland, loona kala diray meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Itoobiya.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Daacish ay ka faa’ideysaneyso xarumaha diinta iyo astaamaha si ay gabaad ugu noqoto howlgallada ay ku faafineyso afkaarta xagjirnimada, qorista shaqsiyaadka nugul, iyo khalkhal gelinta bulshada.
Xariga ayaa laga fuliyay meelo badan oo ay ka mid tahay Addis Ababa; Magaalada Sheger, Adama, Haromaya, Shashemene, Bale, Jimma, iyo Shakiso ee Gobolka Oromia; Kemissie ee Gobolka Axmaarada; Aagga Silte iyo Xalaba Kulito ee Gobolka Bartamaha Itoobiya; Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida; iyo Gobolka Harar.



