Dowladda Itoobiya ayaa maanta si heer sare ah u soo dhoweysay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi…

Dowladda Itoobiya ayaa maanta si heer sare ah u soo dhoweysay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wafdigiisa, kuwaas oo gaaray magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Bole International Airport ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timotheos iyo mas’uuliyiin kale oo sare.
Safarka Cirro ayaa ku yimid martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in safarka uu leeyahay ujeeddooyin diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.
Inta uu joogo Addis Ababa, Madaxweyne Cirro wuxuu la kulmi doonaa madaxda ugu sarreysa Itoobiya, isagoo kala hadli doona arrimaha amniga, ganacsiga, isu-socodka iyo xoojinta nabadda gobolka Geeska Afrika.
Wafdiga la socda Cirro ayaa ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda, maaliyadda, madaxtooyada, maalgashiga iyo saraakiil kale oo sarre. Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in safarkani uu muujinayo wejiga cusub ee diblomaasiyadda Somaliland iyo dadaalka lagu doonayo in la adkeeyo madax-bannaanideeda siyaasadeed.
Safarka Cirro ayaa imaanaya xilli weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay heshiiskii hore ee is-afgarad badeedka Somaliland iyo Itoobiya. Inkasta oo la sheegay in madaxda labada dhinac isfahan gaareen, hadana weli lama oga in heshiiskaas dib loo cusboonaysiin doono, iyadoo Itoobiya ay sii waddo dadaallada ay ku dooneyso inay hesho marin badeed rasmi ah.






