Maamulka DFS ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan…

Maamulka DFS ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ay muddo 3 cisho ah u qabteen Wasiir Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisu inay isaga baxaan Magaalada Beled-xaawo ee gobolkaasi.
“Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa timid Doolow, odayaasha ayey la kulmeen amar ayey bixiyeen ku aadan Xerada UK ee Beled-xaawo iyo madaxda DFS ee halkaas joogta khaasatan Wasiir Cabdirashiid waqti ayey u qabteen 3 beri ah inuu kaga boxo Beled-xaawo taasi oo wax u dhimaysa derisnimada”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray,”Shirarka ka dhaca Muqdisho & Addis Ababa waxaa naloo sheegaa wadahadal ayaa socda oo meel fiican ayaa wax marayaan Askartuna waxay rabtay ka samaysaa Soomaaliya, arrintaasi Axmed Madoobena wax tari mayso shacabka Gedana laguma khasbi karo.
Itoobiya ayaa rumaysan in ciidanka DFS ee gobolka Gedo ay gogol xaar u yihiin ciidamada Masaarida ee qaybta ka noqonaya hawlgalka Midawga Africa, kuwaas oo haddii ay degaan xuduudka Itoobiya & Somalia dagaalo ka dhex qarxi karaan.



