Itoobiya oo dhex-dhexaadinaysa Axmed Madoobe iyo MW Xasan Sheekh.

12 October, 2025

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Labada Mas’uul oo ka wada hadli doona xiriirka labada dowladeed ayaa isla soo qaadi doona sii amba-qaadidda wadahadalladii Madaxda Maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka, oo dhawaan lagu kala kacay Kismaayo.

Dhex-dhexaadinta labada dhinac ee xukuumadda Addis ayaa timid kadib markii ay fashilmeen wadahadalo ay waddey xukuumadda Kenya, oo wajigoodii 1aad wajigabax ku soo dhammaaday.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda federaalku waday qorshe ay Jubaland cusub uga dhisayso Gedo, taasi oo sababtay dacwad Jubbaland u gudbisay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobey ee Somalia.