Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in colaadda ka soo cusboonaatay waqooyiga dalka ay ku fiday gobolka Canfarta,…

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in colaadda ka soo cusboonaatay waqooyiga dalka ay ku fiday gobolka Canfarta, iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan deegaanno ku dhow xadka Tigray iyo Canfarta.
Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga Tigray iyo kooxo hubaysan oo xulafo la ah, waxaana Mas’uuliyiinta gobolku sidoo kale Eritrea ku eedeeyeen inay taageero siineyso kooxaha hubaysan ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka.
Taliyaha ciidamada Itoobiya Field Marshal Berhanu Jula ayaa sheegay in Eritrea ay door ku leedahay isku xirka iyo taageeridda kooxaha ka soo horjeeda dowladda, balse Eritrea ayaa beenisay eedeymahaas, Xilli warbixin ay daabacday AFP lagu sheegay in xoogagga Tigray ay weerarro ka fuliyeen deegaanno ku dhow waddooyinka muhiimka ah ee u gudba dhanka Jabuuti, taas oo keentay walaac laga qabo in dagaalku carqaladeeyo marinka ganacsi ee Itoobiya ku tiirsan tahay.
Midowga Afrika ayaa 23-kii Sebtembar walaac ka muujiyay dagaallada ka socda Tigray iyo Canfarta, isagoo dhinacyada ugu baaqay xakameyn iyo in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, waxaana Midowga Africa sheegay in dagaalkaani uu halis karo heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee 2022.



