Itoobiya oo ka carootay bayaan uu saxiixay Madaxweynaha Somalia.

Dowladda Itoobiya ayaa siweyn uga carootay bayaankii wadajirka ahaa ee ay 4-tii Oktoobar 2026 magaalada New…

7 October, 2026

Dowladda Itoobiya ayaa siweyn uga carootay bayaankii wadajirka ahaa ee ay 4-tii Oktoobar 2026 magaalada New Alamein ee dalka Masar ku kala saxiixdeen Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan, iyadoo ay xukuumadda Addis Ababa u aragto in qodobada heshiiska qaarkood ay si toos ah u taabanayaan danaha ay ku leedahay webiga Nile iyo amniga Badda Cas, kadib markii afarta dal ay soo saareen bayaan ka hadlayay amniga gobolka, madax-bannaanida dowladaha, Badda Cas iyo isticmaalka biyaha Nile-ka.

Bayaanka ayaa afarta dowladood ayaa dhigayey in la xoojiyo wada-tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la sameynayo hannaan joogto ah oo lagula socdo fulinta iyo natiijooyinka shirarka mustaqbalka, waxaana hoggaamiyayaasha afarta dal adkeeyeen ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo dhuleednimada dowladaha gobolka, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo habab nabadeed.

Qodobka la xiriira webiga Nile, dalalka ayaa ku baaqay in la dhowro sharciga caalamiga ah ee khuseeya webiyada xuduudaha ka gudba. Waxay si gaar ah u adkeeyeen mabda’a ah inaan dal kale loo geysan waxyeello, iyo in tallaabooyinka waaweyn ee la xiriira biyaha lagu saleeyo ogeysiin hore, wadatashi iyo is-afgarad.

Qodobkan ayaa si gaar ah u taabanaya Itoobiya, maadaama Addis Ababa iyo Qaahira ay muddo dheer isku hayeen sida loo maareynayo biyaha Nile-ka, gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee GERD, waxaana warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya xustay in xukuumadda Addis ay adkaynayso xaqa ay u leedahay inay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, halka Masar ay ku doodayso in mashaariicda waaweyn ee biyaha Nile-ka aysan waxyeello u geysan isticmaalka biyaha ee dalalka hoose.

Bayaanka ayaa sidoo kale si weyn u taabtay Badda Cas, iyadoo lagu adkeeyay in dowladaha xeebaha leh ay leeyihiin masuuliyad gaar ah oo ku saabsan amniga iyo maamulka marin-biyoodka, xilli ay Itoobiya oo uusan dalkeedu xeeb lahayn ay muddooyinkii dambe dedaal xooggan ku bixinaysay sidii ay ku heli lahayd marin-biyood ka madax-banaan dalalka kale ee dhaca Geeska Africa.

Heshiiska ayaa kusoo beegmay xilli xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu marayo marxalad aad u xasaasi ah, Dowladda Itoobiya ayaa Asmara ku eedeysay inay taageerto kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda Federaalka Itoobiya, halka Eritrea ay beenisay eedeymahaas kuna adkaysatay inaysan saamayn ku lahayn colaadaha ka soo cusboonaaday qaybo kamid ah ismaamullada gudaha dalka Itoobiya.