Itoobiya ayaa meel-marisay isbeddel weyn oo lagu sameeyay nidaamka siyaasadeed iyo dastuurka dalka, kaddib markii shirweynaha…

Itoobiya ayaa meel-marisay isbeddel weyn oo lagu sameeyay nidaamka siyaasadeed iyo dastuurka dalka, kaddib markii shirweynaha wadatashiga qaran uu soo gebagebeeyay doodihii wax-ka-beddelka dastuurka, waxaana isbeddelka cusub uu meesha ka saarayaa nidaamkii baarlamaaniga ahaa ee Ra’iisul Wasaaruhu ahaa madaxa xukuumadda, waxaana dalka loo wareejinayaa nidaam Madaxweynaha siinaya door iyo awood siyaasadeed oo ka weyn tii uu hore u lahaa.
Qabya-qoraalkaan ayaa dhiga in Madaxweyna Itoobiya uu xilka hayn doono muddo lix sano ah, waxaana loo oggolaanayaa in mar kale loo doorto xilka, taasoo ka dhigaysa ugu badnaan laba xilli, waxaa kale oo uu isbeddelku saamayn doonaa qaabkii awoodda dalka loo qaybin jiray, maadaama dastuurkii 1995 uu Itoobiya ku dhisay nidaam federaal-baarlamaan ah, halka awoodda fulinta ay si weyn ugu urursanayd Ra’iisul Wasaaraha.
Waxa kale oo la ansixiyay in Af-Soomaali, Af-Canfari, Af-Oromo, Af-Amxaari iyo Af-Tigray ay noqdaan afafka rasmiga ah ee dowladda federaalka, taasoo wax ka beddelaysa nidaamkii hore ee Af-Amxaariga ahaa luuqadda shaqada ee dowladda federaalka.
Dhanka kale, maqaamka Addis Ababa ayaa weli ahaa qodobka ugu xasaasisan ee doodaha dastuurka, kadib muran siyaasadeed oo ay caasimadnimadeedu ka dhex abuurtay dowladda federaalka, Oromia iyo dhinacyada kale, waxaana dooddu ku saabsan tahay in Addis Ababa yeelato maqaam gaar ah ama ay noqoto qayb ka mid ah Oromia.




