Dowladda Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari, iyadoo ciidamadaas…

Dowladda Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari, iyadoo ciidamadaas loo baahan yahay gudaha Itoobiya xilli uu dib uga qarxay dagaal ka socda waqooyiga dalka, sida ay daabacday Bloomberg, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah oo aan loo oggolaan inay si rasmi ah uga hadlaan qorshaha.
Xogta ayaa sheegaysa in ciidamada la qorsheynayo in la saaro Soomaaliya ay ku sugan yihiin gaar ahaan gobollada Baay iyo Bakool, si dib loogu celiyo Itoobiya si dib loogu celiyo Itoobiya gaar ahaan gobolada Tigray, Axmaarada iyo Canfarta oo xaalkoodu cakiran yahay.
Ilo wareedyo aan la carrabaabin ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo aan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, balse xogta tirada iyo cutubyada ay khusayso wali si rasmi ah looma xaqiijin.
Warbixinta ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dagaallo cusub ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya, kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo xoogagga Tigray, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa taageersan ayaa dhawaan sheegay inay la wareegeen magaalada istaraatiijiga ah ee Alamata, halka TPLF iyo kooxo kale oo hubeysan ay sameysteen isbahaysi ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.



