Itoobiya oo sheegtay in ciidanka Masar aysan nabad dhalin u imaanayn Somalia.

Safiirka dowladda Itoobiya ee Somalia Suleiman Dedefo Woshe, ayaa waraysi uu biixyey kaga hadlay khilaafka dalkiisa…

27 August, 2025

Safiirka dowladda Itoobiya ee Somalia Suleiman Dedefo Woshe, ayaa waraysi uu biixyey kaga hadlay khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Masar, arrimaha biyo xireenka iyo ciidamada Masaarida ee la geynayo qaybo kamid ah Somalia.

Danjire Suleiman Dedefo Woshe, ayaa ugu horrayn sheegay in ciidamada Masar ee imaanaya Somalia aysan gacan ka geysan doonin xasilinta Somalia haseyeeshee ay wataan ajandayaal siyaasadeed.

“Ciidanka Masar gacan kama geysan doonaan caqabadaha amni ee Soomaaliya; haddii ay cid wax u tarayaan Falastiin, Liibiya iyo Suudaan oo daris la ah ayey wax u tari lahaayeen”.” Safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya”, Ayuu yiri Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, Suleiman Dedefo Woshe.

Dhanka kalena, Safiirka ayaa waxa uu sheegay in Masar wiiqayso horumarka dalkiisa, “Diidmada masar ee biyo xireenka waa arrimo siyaasadeed waana Mowqif ka dhan ah horumarka Ethiopia”.