Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla magaalada Asmara ee caasimadda…

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, iyadoo tallaabadan ku sababaysay waxa ay ku tilmaantay falal toos iyo kuwo dadban oo colaadeed iyo dagaal-ku-talo-gal ah oo ay Eritrea kula kacday Itoobiya.
Itoobiya waxay sidoo kale 10 diblomaasiyiin Eritrean ah oo ku sugan Addis Ababa ku dhawaaqday persona non grata, oo ah in aan loo oggolaan inay sii joogaan dalka, iyadoo sheegtay in diblomaasiyiintan lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen hawlo ay Itoobiya u aragto khatar toos ah oo ku wajahan amniga qarankeeda, waxayna siisay muddo 48 saacadood ah inay dalka uga baxaan.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay aad u kacsan yihiin xiriirka Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo dagaallo cusub ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan Tigray iyo deegaannada ku dhow. Dowladda Itoobiya ayaa horey Eritrea ugu eedeysay inay taageerto xoogagga ka dagaallamaya dowladda federaalka, halka dhinacyada lagu eedeeyay ay diideen eedeymahaas.





