Jaaliyadda reer Puntland Minnesota oo ka soo jawaabey codsigii madaxweyne Deni.

Jaaliyadda reer Puntland ee kunool gobolka Minnesota ayaa taageero xooggan u muujisay hawlgallada ciidamada difaaca dowladda Puntland kula dagaalamayaan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda Calmiskaad.
Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha sare ee jaaliyadda ayaa lagu sheegay inay siweyn u soo dhaweynayaan dagaalka nafhurnimada leh ee ciidamada, shacabka iyo xukuumadda Puntland deegaamadooda kaga sifaynayaan kooxda Daacish.
Jaaliyaddu waxay walaac ka muujisay gaabiska dowladda federalka ah ee Soomaaliya ee taageerada hawlgalka, waxaana ay soo dhaweysey go’aankii madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ku amray duqaymaha saldhigyada Daacish ee Calmiskaad.
Warka jaaliyadda ayaa ku soo beegmay kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ugu baaqay jaaliyadaha reer Puntland inay soo dedejiyaan taageerada ciidamada ayna ficil u bedelaan kulamada iyo shirarka ay ka wadaan dalalka ay ku nool yihiin.
Ciidanka difaaca Puntland ayaa muddo ka badan bil wada dagaal ka dhan ah kooxda Daacish, iyagoo muddadii hawlgalku socdey diley in ka badan 70 xubnood oo u badnaa ajaaniib ka soo cararay dalalkoodii kana tirsan argagixsada caalamiga ah.