Jaamacadaha Puntland oo Garoowe ku soo bandhigay Cilmibaarisyo ay sameeyeen.

5 May, 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay furay Shirka…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay furay Shirka Cilmibaarista Ururka Jaamacadaha Puntland ee 2025.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Waxbarashada iyo Ururka Jaamacadaha dedaalada ay muujiyeen iyo sida ay mar walba ugu taagan yihiin horumarka Waxbarashada.

Lugatoor oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa iftiimiyey sida ay muhiimka u tahay horumarinta Cilmibaaristu qaybna ay uga qaadan karto kor u qaadida wacyiga bulshada iyada oo dowladduna ay siinayso muhiimad gaar ah.