Jabuti oo ku dhawaaqday inay ilaalinayso Maraakiibta ka goosha Baab-almandeb.

23 March, 2026

Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa ku dhawaaqday inay heegan-sare gelisey ciidankeeda badda ee ku hawlan kormeerka marin-biyoodka muhiimka…

Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa ku dhawaaqday inay heegan-sare gelisey ciidankeeda badda ee ku hawlan kormeerka marin-biyoodka muhiimka ah ee Baab-Almandeb, kadib hanjabaad uga timid Xuutiyiinta dalka Yemen.

Saraakiisha ammaanka badaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in ciidankoodu ay diyaar u yihiin ilaalinta marin biyoodkaan ayna ka hortegi doonaan weeraro loo geysto maraakiibta ganacsiga ee ka gooshaysa.

Xuutiyiinta Yemen oo taageero siinaya Iran ayaa sheegay inay xiri doonaan Baab-almandeb, si ay uga aargutaan duqaymaha Maraykanka iyo Israel ka geysanayaan qaybo kamid ah dalalka Islaamka gaar ahaan Iran iyo Falastiin.

Marin-biyoodka Baab-Almandeb oo ay ka gudbo 12% ganaciga caalamka ayaa xilligan ay sii korodhay muhiimaddiisu ka dib markii Iiraan ay xidhay marin-biyoodka Hormuz, sida ay werisey AlJazeera.