Jabuutaawi oo shaaciyey sababta looga reebay doorashadii maamulka Waqooyi Bari.

Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdiraxmaan Carraale (Jabuutaawi), ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray doorashadii maamulka Waqooqi Bari,…

29 August, 2025

Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdiraxmaan Carraale (Jabuutaawi), ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray doorashadii maamulka Waqooqi Bari, ka dib caqabado sharci-darro iyo hab-maamuus xumo uu kala kulmay guddiga doorashooyinka sida uu hadalka u dhigay.

AKHRISO

Bismillaah aniga oo ah Mohamed Abdirahman Arale “JABUTAWI” waxaan si xushmad leh ugu dhawaaqayaa inaan ka haray tartanka doorashada Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Waqooyi Bari, ka dib caqabado sharci-darro iyo hab-maamuus oo aan kala kulmay Guddiga Doorashada, si ay u ilaaliyaan una kordhiyaan fursadaha musharax kale.

Go’aankani wuxuu ka tarjumayaa masuuliyad qoto dheer iyo ixtiraam aan u hayo hannaanka iyo jidkii dheeraa ee aynu soo marnay bulsho ahaan. Inkastoo aan si dhab ah ugu taagnaa horumar iyo midnimo, waxaan rumeysanahay in mar walba danta guud ay ka horreyso tan shaqsi.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaashaydii, waxaana rajeynayaa in doorashadu u dhacdo si nabad ah, caddaalad leh, oo ay ka dhalato hoggaan u adeega shacabka, waxaanna sii labbo jibaari doonaa marti-soorka kalatanka doorashada iyo munaasbadaha, si ka badan intii hore, aniga oo dhex ka ah baratanka madaxda utaagan hogaaminta.