Dowladda Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaalada ka socda Bariga dhexe iyo saamaynta dhaqaale ee…

Dowladda Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaalada ka socda Bariga dhexe iyo saamaynta dhaqaale ee ka dhalan karta, xilli uu burbur ku socdo dalalka Khaliijka Carabta, Iran iyo dhaqaalaha u kala gudba caalamka.
Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Jabuuti, Ilyaas Dawaale, ayaa sheegay in dagaalada iyo khilaafaadka gobolka ay si weyn u saameyn karaan dhaqaale ahaan Geeska Afrika iyo guud ahaan adduunka.
Waxa uu tilmaamay in xiisadaha gobolka iyo dagaalada soo cusboonaaday ay yihiin halis dhab ah oo ku wajahan dhaqaalaha Jabbuuti iyo dalalka kale ee yaryar ee ku tiirsan ganacsiga, isagoo sheegay in haddii xaaladdu sii socoto, dalka ay halis ugu jiraan hubanti la’aan dhaqaale.
“Jamhuuriyadda Jabbuuti, oo ah dal yar oo ku tiirsan ganacsiga iyo xidhiidhka dhaqaale ee gobolka iyo caalamka, waxa uu si weyn uga dhex muuqan karaa cawaaqib-xumada ka dhalan karta dagaalka Bariga Dhexe”, Ayuu yiri Wasiir Dawaale.




