Jadwalka doorashada guddoonka barlamaanka Waqooyi Bari oo la shaaciyey.

Xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka barlamaanka ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada hoggaanka ugu sarreeya barlamaanka…

19 August, 2025

Xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka barlamaanka ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada hoggaanka ugu sarreeya barlamaanka maamulka Waqooyi Bari Somalia.

Guddiga ayaa shaaciyey in doorashada guddoomiyaha barlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen qabsoomi doonto 23-ka Agoos sanadkaan 2025, iyagoo raaciyey shuruudaha looga baahan yahay.