Jadwalka doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo lagu dhawaaqay.

26 May, 2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada…

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana jadwalka cusub muujinayaa marxaladaha kala duwan ee doorashada, laga bilaabo shaacinta liiska xildhibaanada ilaa doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Sida ku cad jadwalka sawirka lagu baahiyay, 26-ka ilaa 29-ka May ay socon doonto dhaarinta xildhibaanada cusub, 30-ka May ayaa la qorsheeyay doorashada guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo maalinta xigta ee 31-ka May la qaban doono qabashada araajida musharixiinta guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, 1-da June ayaa la shaacin doonaa liiska musharixiinta guddoonka Baarlamaanka, halka 2-da June ay dhaceyso hadal-jeedinta musharixiinta iyo doorashada guddoonka Golaha Wakiillada, waxaana Intaas kadib ayaa loo gudbi doonaa doorashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 10-ka June 2026, kadib marka la soo gabagabeeyo dhammaan habraacyada musharixiinta iyo ololaha siyaasadeed. Jadwalkan ayaa yimid kadib dib-u-dhac iyo muran sharci oo hareeyay geeddi-socodka doorashada maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa la filayo inuu in loo doorto Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, kadib markii dowladda & xisbiyada siyaasaddu si wadajir ah u sharexeen.

Dhanka kale, guddiga doorashooyinka ayaa hore u shaaciyay liiska cusub ee xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 xubnood, kuwaasi oo laga soo xulay beelaha dega maamulkaasi. Xildhibaanadan cusub ayaa la filayaa inay codkooda ku doortaan guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.