26 March, 2026
Ra’iisul Wasaarihihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa cambaareeyey tallaabada ay dowladda Somalia xabsi guriga…

Ra’iisul Wasaarihihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa cambaareeyey tallaabada ay dowladda Somalia xabsi guriga ku gelisey taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan oo shalay xilka laga qaaday.
“Waxaan cambaaaraynayaa xabsiga uu Madaxweyne Xasan Sheekh geliyey taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan”, Ayuu yiri RW Hore Xasan Cali Khayre.

Dhanka kalena, guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo kaga dhawaaqay jadwalka doorashooyinka ee ay ku shaqayn doonaan.




