Jamaal oo loo Magacaabay wasaarada Ganacsiga DFS.

13 December, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa Danjire Jamaal Maxamed Xasan u magacaabay Wasiirka…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa Danjire Jamaal Maxamed Xasan u magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, kaddib isku shaandheyn kooban oo lagu sameeyay golaha wasiirrada. Jamaal Maxamed Xasan ayaa xilkan kala wareegay Xildhibaan Maxamuud Geesood oo horay u hayay wasaaradda.

Magacaabistan ayaa timid xilli dowladda federaalka ay dib u eegis ku sameyneyso qaab-dhismeedka xukuumadda, iyadoo la doonayo in la dardargeliyo howlaha la xiriira ganacsiga, warshadaha iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa horey u soo qabtay xilal diblomaasiyadeed, waxaana laga filayaa inuu door ka qaato horumarinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya la leedahay dalalka kale.

Horay waxaa la filayay in Jamaal Maxamed Xasan loo magacaabo Wasiirka Deegaanka, arrintaas oo la xiriirtay heshiis siyaasadeed oo la sheegay inuu la galay dowladda federaalka xilligii doorashada madaxtinimada maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo uu ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha ee u tanaasulay Firdhiye.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Deegaanka ayaa weli waxaa haya Bashiir Goobe, oo lagu tilmaamo wasiir si dhow ugu dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo wareedyo ku dhow xukuumadda ayaa sheegaya in ay adkayd in Bashiir Goobe uu ku baxo isku shaandheynta, taasoo keentay in Jamaal Maxamed Xasan loo wareejiyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.