Jamaal “Puntland iyo Somaliland wax xuduud ah kama dhexeeyo maxay ka heshiin”

5 October, 2025

Siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag…

Siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga falceliyay heshiiskii maanta Nairobi ku dhexmaray maamulada Puntland iyo Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad, siyaasad iyo xuduud rasmi ah ku dhisnayn.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in heshiiskaasi uu si toos ah ugu adeegayo ajandaha siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana uu yahay gef weyn oo ka dhan ah Dastuurka dalka. Wuxuu intaas ku daray in heshiiskaasi uusan matalin rabitaanka shacabka Puntland, balse uu yahay mid koox yar ay si gaar ah u gaartay, taasoo dhaawaceysa karaamada iyo sumcadda maamulka Puntland.

Sidoo kale, Danjire Jamaal Xasan oo hore u ahaa Wasiirkii Qorsheynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland aysan ka dhaxayn wax xuduud rasmi ah, ayna jirin meel ay si sharci ah uga wada tashan karaan xagga amniga, siyaasadda ama dhaqaalaha. Wuxuu ku adkeeyay in dhulka iyo dadka la sheegay ay hoos yimaadaan maamulka cusub ee Waqooyi-Bari oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay sugidda amniga iyo siyaasadda gobolka.

Siyaasiyiintan ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu jebiyay Dastuurka iyo mabda’a mideynta dalka, iyagoo ku doodaya in go’aannada noocan ah ay dhaawacayaan wadajirka iyo kalsoonida shacabka Puntland ee ku aaddan nidaamka federaalka.

Heshiiskan maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee dhexmaray maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa noqday mid muran badan dhaliyay, Maamuladan ayaa bilahii u dambeeyey waday qorshayaal isku soo dhaweynaya waxaa horay isku dhaafsadeen maxaabiis lagu kala qabsaday Dagaalkii Laascaanood 2023kii.