Beesha caalamka ayaa dedaalo xooggan ku bixinaysa sidii uu shirka madashada wadatashiga Qaran ee 5-ta Bishaan…

Beesha caalamka ayaa dedaalo xooggan ku bixinaysa sidii uu shirka madashada wadatashiga Qaran ee 5-ta Bishaan ka furmay Muqdisho u noqon lahaa mid mira-dhal ah oo loo dhan yahay.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Somalia James Swan ayaa wada qorshe uu madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland kaga dhaadhicinayo ka qaybgalka shirka madasha si meesha looga saaro kala maqnaanta madaxda DFS iyo maamulada dalka.
Xogo hoose ayaa sheegaya in James Swan uu Axmed Madoobe iyo Deni u sheegay inaysan doonayn kala qaybsanaan, wixii tabashooyin ahna miiska lagu dhammeeyo, maadaama uu dalku gelay marxalad siyaasadeed oo aad u adag iyo dagaalo ka dhan ah kooxaha nabaddiidka.
Hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadi Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa gaarey magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay shirka geyn doonaan aragtidada bulshada deegaamadaasi.