Janan “Gedo waa xor, Jubbaland cusub ayaa laga dhisayaa”

Kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu natiijo la’aan kaga soo laabtay wada-hadalladii Kismaayo, waxaa soo ifbaxay…

7 October, 2025

Kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu natiijo la’aan kaga soo laabtay wada-hadalladii Kismaayo, waxaa soo ifbaxay calaamado muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso dhismaha Jubbaland cusub. Qorshahan ayaa la sheegay inuu ka bilowday gobolka Gedo oo DFS ay gacanta ku hayso inta badan.

Cabdirashiid Janan oo DFS u magacaaban taliyaha Nabad-sugidda Jubbaland ayaa si cad u shaaciyay in ay qeyb ka yihiin dhismaha maamulka cusub. Wuxuu sheegay in Gedo uu yahay gobolka kaliya ee ka madax bannaan Al-Shabaab iyo Jubbaland, sidaas darteedna uu noqon doono saldhigga maamulka cusub.

Janan ayaa si adag u dhaliilay hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo ku eedeeyay inuu dowlad-diid yahay, halka Jubbada Dhexe ay gacanta ku hayso Al-Shabaab. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in maamulka cusub ee Jubbaland uu noqon doono mid ku xiran Xamar, balse aan ku xirnaan doonin Nairobi iyo Addis Ababa.

Cabdirashiid Janan: “Jubbada-hoose waxa haysta Madoobe oo dowlad-diid ah, Jubbada-dhexe-na waxa joogta AS, Gedo oo xor ah ah waxaa DFS u samaynaysaa maamul ay u dhan yihiin reer Jubbaland oo ku xidhan Xamar aanna ku xidhnayn Nairobi & Addis Ababa.”

Sidoo kale, Cabdirashiid Janan ayaa durba gobolka Gedo ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, isagoo sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa taabacsan ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga. Inkasta oo dowladda federaalka aysan weli si rasmi ah u shaacin qorshahan, haddana waxaa muuqata in Gedo uu noqon doono xarunta dhismaha maamulka cusub ee Jubbaland.