Janan oo ka hadlay Muddada Itoobiya u qabatay inuu uga baxo Beledxaawo.

7 August, 2025

Cabdirashiid Xasan Janan ayaa ka hadlay amarkii ka soo baxay ciidamada Itoobiya ee ku amray inuu…

Cabdirashiid Xasan Janan ayaa ka hadlay amarkii ka soo baxay ciidamada Itoobiya ee ku amray inuu 3 maalmood kaga baxo Baladxaawo, Janan Wuxuu sheegay in aysan jirin colaad kala dhaxeysa Itoobiya iyo Kenya wuxuuna tilmaamay inay yihiin dowlado daris ah oo ay ka dhaxeyso is-ixtiraam iyo deris wanaag.

Janan wuxuu hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin difaaca qaranimada Soomaaliya islamarkaana aysan ogolaan doonin cid kasta oo kasoo horjeeda jiritaanka dowladnimada, Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed mudan yihiin nabad iyo dowladnimo muuqata.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo isagoo faray inay gutaan waajibaadkooda qaran, Janan wuxuu ballan qaaday in dowladda Federaalka ay la socon doonto xaaladooda amni.

“Annagu isma hayno, cadowgeenana ma aha Itoobiya iyo Kenya, waa dowlado aan daris nahay, waxaana naga dhexeeya is-xushmayn iyo wada shaqayn, Cid kasta oo qaranimada Soomaaliyeed diidan, annagana waa diidanahay, ma ogolin,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Hadalkiisa ayaa yimid xilli Itoobiya ay saddex cisho u qabatay isaga iyo ciidamadiisa inay ka baxaan Beledxaawo, Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in Janan yahay taliyaha NISA ee gobolka Gedo, wuxuu horay usoo noqday wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland.