Jarmalka oo digniin safar ka soo saaray Bahrain iyo Kuwait sababo la xiriira xaalad amni oo kacsan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa si gaar ah ugu talisay in laga fogaado safarrada loo aado Baxrain.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xaaladda amniga ee gobolka ay weli tahay “mid aan degganayn.
Jarmalku wuxuu intaas ku daray in aan meesha laga saari karin xaalad sii xumaan karta oo ay ku jiri karto xayiraado waaweyn oo xagga duulimaadyada ah.
Bartamihii toddobaadkan, Iran ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku beegsatay bartilmaameedyo ku yaalla Bahrain iyo Kuwait, iyada oo sheegtay in weerarradaasi ay jawaab u ahaayeen weerar ay Maraykanku ku qaadeen xarun isgaarsiineed oo ku taalla Jasiiradda Qeshm Island.
Horseed Media




