Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo ku baaqay in gargaarka Gaza ‘aan la carqaladayn’

5 March, 2025

Saddexda dal ee Yurub ayaa ugu baaqay Israa’iil in ay ogolaato in sahayda bini’aadantinimo la geeyo Gaza, waxayna ka digeen in gargaarka loo adeegsado siyaasad ahaan.

Israa’iil waa inay xaqiijisaa “si buuxda, degdeg ah, ammaan ah, oo aan la carqaladayn” bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee dadka Gaza, wasiirrada arrimaha dibadda ee Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay Arbacadii.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa joojiyay gelitaanka gargaarka muhiimka ah ee marinka Gaza Axaddii.

Xafiiskiisu waxa uu sheegay in ay jawaab u tahay “Diidmada Xamaas” ee ah in ay aqbasho dib u billaabida wadahadallada nabadeed ee uu soo bandhigay ergayga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff.

“Waa muhiim in xabbad joojinta la sii wado, dhammaan la haystayaashana la sii daayo, lana xaqiijiyo qulqulka gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza,” ayay yiraahdeen Britain, France, iyo Germany.

Heshiiska xabbad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas, kaas oo dhaqan galay 19-kii Jannaayo waxaana ka mid ahaa kor u kaca gargaarka bini’aadantinimo. Wajigii kowaad ee heshiiska waxa uu dhamaaday sabtidii.

Labada dhinac ayaa isku khilaafay tillaabooyinka xiga ee xabbad joojinta. Israa’iil waxay doonaysaa in la sii daayo dad badan oo la haystayaal ah iyadoo la kordhinayo wejiga koowaad. Balse Xamaas ayaa dadaal ugu jirta in la bilaabo wajiga labaad ee u gogol xaaraya in si buuxda dagaalka loo soo afjaro.