Dowladda Jarmalka ayaa si buuxda u aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, iyadoo hadda loogu oggol yahay…

Dowladda Jarmalka ayaa si buuxda u aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, iyadoo hadda loogu oggol yahay gelitaan iyo deggenaansho Jarmalka, halkii hore looga aqoonsan jiray marka laga baxayo oo kaliya.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in tallaabadaani ay caddeyn u tahay horumarinta dukumentiyada safarka, adeegyada socdaalka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa sanadihii dambe waddey dedaalo lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee caalamka, iyadoo ku biirtay ururo heer gobolka, kuwa caalami ah iyo guddiyo katirsan Qaramada Midoobey.



