Jarmalka oo xiray 3 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Xamaas

2 October, 2025

Maamulka ayaa sheegay in labo Jarmal ah iyo mid Lubnaani ah ay soo iibsadeen hub si loogu isticmaalo falalka lagu beegsanayo xarumaha Israel ama Yuhuuda ee dalka Jarmalka.

Dacwad oogayaasha Berlin ayaa sheegay in ay xireen saddex looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Xamaas.

Eedeysanayaasha ayaa diyaarinayey weeraro ka dhan ah hay’adaha Israa’iil iyo Yuhuudda ee dalka Jarmalka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Jarmalka, EU, Mareykanka iyo dowlado dhowr ah ayaa Xamaas u aqoonsaday urur argagixiso.

Saddexda nin oo labo Jarmal ah midna u dhashay Lubnaan ayay mas’uuliyiintu ku kala sheegeen Abed Al G., Wael F.M. iyo Ahmad I. Magacyadooda ugu dambeeya lama shaacin, iyadoo la raacayo xeerarka garsoorka Jarmalka.

Rag lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ururinta hubka iyo rasaasta loo adeegsado falalka guracan.

“Hubkan ayaa ahaa in Xamaas ay u adeegsato dilalka qorsheysan ee ay ku beegsanayso hay’adaha Israa’iil ama Yuhuudda ee Jarmalka,” sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha guud ee dowladda federaalka.

Ciidamada ammaanka ayaa intii ay gacanta ku soo dhigeen ka helay hub kala duwan, “oo uu ku jiro qori AK-47 ah, bastoolado badan iyo rasaas aad u badan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Alexander Dobrindt ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhacdadani ay ka dhigan tahay “khatar argagixiso”.

Wasiirka caddaaladda ee dawladda Faderaalka Stefanie Hubig ayaa sheegay inay caddahay in “nolosha Yuhuudda ee Jarmalka ay khatar ku jirto.”

Ururka Xamaas oo u dagaalama madax-banaanida Falastiin ayaan lagu aqoon weeraro ay ka geystaan caalamka, inta baddan dalalka Caalamka ayaan argagaxiso u aqoonsaneyn ururkaasi.

Dalka Germany ayaa kamid ah wadamada Midowga Yurub ee sida weyn u taageera Israel, Jarmalka ayaa sidoo kale caburin xoogan ku hayey dadka u dooda xaquuqda Falastiin, tan iyo intuu bilowday xasuuqa ka socda Gaza.