Jarmalka oo ku dhawaaqay horumarinta hubka riddada dheer ee Ukraine

28 May, 2025

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa magaalada Berlin kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz si ay uga wadahadlaan taageero militari oo dheeri ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa ka wada hadlay taageerada Berlin ee Ukraine iyo dadaallada xabbad joojinta ee Ruushka.

Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa sheegay in Berlin ay ka caawin doonto Kyiv inay soo saarto hubka cusub ee riddada-dheer kaas oo lagu duqeyn karo bartilmaameedyada dhulka Ruushka.

Merz ayaa Arbacadii sheegay in wasiirada difaaca ee labada dal ay saxiixi doonaan heshiis is afgarad ah oo ku saabsan soo saarista hababka hubka riddada dheer.

Hadalkiisa uu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo booqasho ku jooga ayaa yimid ka dib markii Merz uu horaantii isbuucan ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga in xulafada Ukraine aysan mardambe saarayn xayiraado kala duwan oo hubka la siiyo Kyiv.

Xulafada reer galbeedka ee Ukraine ayaa hore uga dhawaajiyay cabsida laga qabo in weerarrada ka dhaca gudaha Ruushka ee loo adeegsado hubka laga keeno dibadda ay keeni karaan jawaabta Moscow ee ku wajahan dalalka reer Galbeedka.

Ruushka ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray Ra’iisul wasaaraha Jarmalka ee qorshooyinkooda wadajirka ah ee soo saarista hubka riddada dheer ee Ukraine.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in go’aanka Merz uu yahay mid sii hurinaya dagaalka Ukraine.