Jeneraal hore oo Suuriyaan ah ayaa maxkamad ku taal Austria lasoo taagay, isagoo diiday kiiska lagu soo oogay ee ah jirdilka dadkii kasoo horjeeday Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Bashar al-Assad.

Jeneraal Khaled al-Halabi ayaa diiday inuu qirto dambiga loo heysto markii maxkamaddu ay Isniintii ka bilaabatay caasimadda Austria ee Vienna.
Al-Halabi oo ay weheliyaan taliyaha booliiska Gaashaanle Dhexe Musab Abu Rukba ayaa wajahaya dacwado ay ka mid yihiin jirdil, qasab galmo iyo dhaawacyo halis ah. Labadooduba waxay wajahayaan ilaa 10 sano oo xabsi ah.
Sarkaalkii hore ee sirdoonka Al-Halabi, oo 63 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray kahor maxkamadaynta tan iyo 2024. Isaga iyo Abu Rukbah oo 54 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu dambiyo ka geystay magaalada Raqqa ee Suuriya intii u dhaxaysay Abriil 2011 iyo Maarso 2013.
Maxkamadda ayaa loo qorsheeyay inay socoto ilaa 30 bishan Juun, iyadoo la filayo in dhibbanayaasha la sheegay inay ku nool yihiin Suuriya iyo Yurub ay markhaati furaan.
Dhowr kiis oo la mid ah oo la xiriira dambiyo la galay intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Suuriya ayaa lagu maxkamadeeyay dalal kale, oo ay ku jiraan Jarmalka, Faransiiska iyo Sweden.



