Jirriiban: Ibraahim Axmed Kooshin oo xukun qisaas ah lagu fuliyey.

Waxa saaka xukun qisaas ah lagu fuliyay Ibraahim Axmed Kooshin, kaddib markii lagu helay dilka taliyihii…

17 July, 2026

Waxa saaka xukun qisaas ah lagu fuliyay Ibraahim Axmed Kooshin, kaddib markii lagu helay dilka taliyihii saldhigga booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Alle ha u naxariistee Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadlaaye.

Xukunka ayaa la fuliyay kaddib markii uu soo maray hanaankii garsoorka isla markaana ay labada reer dhinac ku heshiiyeen gelinkii dambe ee shalay qisaasta wiilka dhalinyarada ah ee habeen hore dilka ka geystey degmada Jirriiban.

Marxuum Guuleed Cabdulqaadir Kadlaaye ayaa lagu dilay degmada Jariiban, dhacdadaas oo si weyn u gilgishay bulshada deegaanka isla markaana dhalisay cambaareyn xooggan.

Hooyada dhshay Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadlaaye oo ka hadashay goobta fulinta qisaasta ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay go’aanka maxkamadda iyo fulinta xukunka qisaasta ah ee aroornimadii hore ee saaka ka dhacay degmada Jirriiban.