Dowlad goboleedka Jubaland oo taageeray dadaalada shacabka iyo ciidanka xoogga ayaa sheegtay in kala aragti duwanaanta siyaasadeed aanay fursad siin kooxaha argagixisada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu bogaadiyey dadaalada ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ee deegaanada Hirshabeelle laga xoraynayo kooxaha argagixisada.
Jubaland ayaa sheegtay in haddii dadaalada socda si midaysan loogu wada guntado ay horseedi karaan in la ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee kusoo duulay dalkeena iyo dadkeena.
Sidoo kale, Jubaland ayaa sheegtay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed wada saaran tahay masuuliyadda guud ee mustaqbalka dalkeena loona baahan yahay in la iska kaashado dagaalka argagixisada.
Ugu dambayn, warsaxaafadeedka Jubaland ayaa lagu sheegay in kala aragti duwanaanta siyaasadeed aanay fursad siin kooxaha argagixisada.

Horseed Media