Wararku waxay sheegayaan in dagaalku ka bilowdey halka loo yaqaan Manaraani
Subaxnimadii hore ee arbacada dagaal culus ayaa ka dhacay Manaraani oo dhanka Waqooyi uga beegan Raaskaanbooni kadib markii ay halkaas isku heleen ciidamada daraawiishta Jubaland iyo Ciidamada Dowaldda Federaalka ee dhawaan la dejiyey Raaskaanbooni oo ka tirsan Jubaland.
Maalmihii u danbeeyey ciidamada daraawiishta Jubaland ayaa la geeyey Buurgaabo oo ku dhaw Raaskaanbooni.
Wararku waxay sheegayaan in cidamada Dowladda Federaalku ay dagaalka soo qaadeen iyaga oo cabsi ka qaba in laga qabsado ceelka Oodow kaas oo qofkii qabsada uu yahay kan haysta Raaskaanbooni waana ceelka keliya ee magaalada biyaha siiya qiyaastii waxa uu u jiraa 8km.
Wararku waxay sheegayaan in ciidanka Dowladda oo weerar ah dagaalku ku qabsadey meel aysan fileyn.
Jubaland ayaa sheegatey in ay guul weyn ka gaartey ciidamada ku soo duuley sida ay hadalka u dhigeen, maxaabiis ka qabatey haatana ay gacanta ku hayaan ceelka Oodow. Ceelka Oodow ayaa istraatiiji ah, haddii uu run noqdo sheegashada jubaland waxay ka dhigan tahay in ay gacan ku hayaan Raaskaanbooni.
War ka soo abzay Wasaaradda gaashaandhigga oo lagu faafiyey facebook ayaa lagu xaqiijiyey jiritaanka dagaalka, waxaana lagu yiri :
Subaxnimadii hore ee saakay ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose.
Warka ka soo baxay Dowladda wax faahfaahin ah lagama bixin dagaalka iyo khasaaraha ka dhashey.