Jubaland oo sheegtay in aysan qayb ka ahayn kaarka aqoonsiga Qaranka ee DFS

25 April, 2025

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ka hortimid kaarka aqoonsiga qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Ogle

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay inaysan aqoonsanayn kaarka aqoonsiga Qaranka ee bixiso Hay’adda NIRA.

“Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland waxay bulshada Jubaland ku wargelinaysaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn inay qayb ka ahayn dowladda Jubaland, wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland waxay cadeenaysaa in aysan aqoonsaneeyn waxa loogu yeeray kaarka aqoonsiga qaranka oo aan haysan sharciyad heshiis lagu yahay, waxaanan u aqoonsanahay inuu yahay wax loogu talagalay in lagu meelmarsado dano siyaasadeed”

” Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland waxay bulshada reer Jubaland ku wargelinaysaa in aysan qayb ka qaadan wax kasta oo jabinaya sharciga iyo qaanuunka u dagsan dowladda Jubaland, waxaana bulshada looga baahan yahay inay raacaan nidaamka iyo shuruucda u dagsan dowladda Jubaland ayna ka feegijnaadaan wax kastoo dhibaato u keeni kara”-ayaa lagu yiri; warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka sida Puntland ayaa horey u diiday kaarka hay’adda NIRA ee ay samaysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media