Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka…
Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo dooranayo Jubbaland.
Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta berri ay bilaabaneyso Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare, ayna ku egtahay isla berri oo Arbaco ah.
Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jubbaland ay dhaceyso 29-ka July oo ku beegan maalinta Khamiista, sida ku Cad Jadwalka lasoo saaray.
Hoos ka akhriso:
Horseed Media