Jubbaland: 18 xubnood oo Al-shabaab ah lagu dilay howlgal.

30 October, 2025

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Nabadsugida Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus…

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Nabadsugida Jubbaland oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay khasaare weyn ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Qoraxey, Siirey, Farbulaay, Turdho, Yiirey, Janaale Jaay iyo Maleyley kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay.

War kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab halka 32 kale ay ku dhaawacmeen iyadoo sidoo kale lagu burburiyay goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahannada.

Ciidamada isbahaysan ayaa sheegay in howlgalku uu ahaa mid cir iyo dhul isku mar ah kaas oo lagu bartilmaameedsaday godad iyo xarumo muhiim ah oo kooxda Al-shabaab ku lahayd deegaanka.

Ciidanka Danab oo kaashanaya Jubbaland ayaa horey u fuliyay howlgallo isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha iyo sahayda Al-shabaab ee ku yaalla gobollada Jubooyinka kuwaas oo guulo la taaban karo laga soo sheegay.