Jubbaland, Kenya iyo Itoobiya oo abaabul ka wada gobolka Gedo.

6 August, 2025

Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil ka socda dowladaha Kenya & Itoobiya ayaa yeeshay kulan ay kaga arrinsanayaan…

Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil ka socda dowladaha Kenya & Itoobiya ayaa yeeshay kulan ay kaga arrinsanayaan xaaladda ammaan ee gobolka Gedo oo ay ka soo cusboonaadeen xiisado u dhexeeya Jubbaland iyo ciidamo uu hoggaaminayo Wasiir hore Cabdirashiid Janan oo ay xil u magacawday DFS.

Deegaanka Suufta oo ah seddex-xagal istiraatiiji ah kuna taallo xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ayaa waxaa bilowday abaabul siyaasadeed oo xooggan oo ay qeyb ka yihiin dowladda Jubaland iyo dowladaha dariska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.

Kulamadaan ayaa looga arrinanayaa xaaladda magaalada Balad-Xaawo oo haatan gacanta ugu jirta ciidamo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland haatanna ah taliyaha NISA ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Janan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyey dalalka Masar iyo Eritrea inay dabada ka riixayaan colaadda gobolka Gedo si ay ugu fushadaan danohooda siyaasadeed.